Magaalada Baydhaba caasimada gobolka Baay isla markaana ah caasimada dowlada KoonfurGalbeed ayaa markii ugu horeysay waxa ay ka qayb gali doontaa tartan dibadeed kaasi oo ka dhici doona dalka Tanzaaniya.
Tartankaan oo ay kasoo qaybgali doonaan magaalooyin badan oo ku yaal qaarada Afrika ayaa waxay magaalooyinka ku tartami doonaan tartan dhanka kubada Kolayga ah
Hadaba si aan wax uga ogaano tartanka iyo ka qaybgalka magaalada Baydhaba ay ka qaybgalayso ayaa waxaan ka wareysanay Orodyahan Cabdi Warsame Isaaq oo isagu haatan ah tababaraha xulka qaranka Soomaaliyeed ee ciyaaraha fudud sidoo kalena xubin ka ah Gudiga Ciyaaraha KoonfurGalbeed Soomaaliya.