Golaha wasiirada Cusub oo Maanta Yeeshey Kulankii ugu Horeeyey

0
74

wasiirada_Cusub_ee_Somalia_1Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii ugu horreeyay oo ay yeeshaan golaha wasiirrada xukuumadda cusub oo shalay la ansixiyay, kaasoo diiradda lagu saaray qaabka ugu haboon ee ay golaha wasiirradu ula wareegi lahaayeen xafiisyada wasaaraddahooda.

Sharma’arke ayaa xusay in kulankan uu ahaa midkii ugu horreeyay ee xubnaha wasiirrada xukuumaddiisa uu la yeesho, isla markaana ay ku kala warqaadanayeen, loona dar-dargelin lahaa howlaha horyaalla xukuumaddda.

Ra’iisul wasaare Sharma’arke ayaa xusay in guddi uu madax u yahay ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda, Maxamed Cumar Carte loo xil-saaray kala wareejinta xilalka, iyadoo ay wasaarad walba wareejin doono wixii agab ah ee ay ku shaqayso haddii ay tahay hantida ma guurtada ah iyo tan guurta intaba.

Kulankan ayaa noqonaya kulankii ugu horeeyey oo ay yeeshaan golaha wasiirada ayagoo ay hor yaalaan howlo badan oo hakad ku yimid, kuwaasoo ay ugu muhiimsan yihiin dhameystirka dhismaha maamullada gobollada iyo in dalka la gaarsiiyo doorasho sannadka 2016-ka.