Xildhibaanada Barlamaanka oo Maanta Ansixiyey Hidise Sharciyeedka Gudiga Dorashooyinka

0
59

barlamanka-cusubXildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay hindise-sharciyeedka uu ku howlgeli doono guddiga doorashooyinka madaxa-bannaan ee dalka.

Kulankan oo ay joogeen 144 mudane ayaa waxaa sharcigan codka siiyay 113 xildhibaan, 21 xildhibaan way diiday, waxaana ka aamusay 10-mudane oo kale, iyadoo guddoonku uu sheegay in shircigan uu ansax yahay.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud ayaa laga sugaya inuu saxiixo sidii uu u noqon lahaa mid howlgala, iyadoo inta uusan sannadkan dhamaan lasoo magacaabi doono guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka dalka.

Hoggaanka dowlada Somalia ayaa horay u sheegay in sannadka 2016-ka ay dalka ka dhici doonto doorasho ah, taasoo ay shacabka Soomaaliyeed kusoo dooran doonaan markii ugu horreysay mas’uulkii hoggaamin lahaa.