Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo Xukumo Kala Duwan Ridey

0
39

courtMaxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday afar ruux oo lagu eedeeyay inay Al-shabaab ka tirsanaayeen.

Guddoomiyeyaasha maxkamadda ayaa sheegay in raggan ay kusoo eedeysay xeer-ilaalinta maxkamada ciidanka inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, isla markaana ay howlo kala duwan oo lagu waxyeelleynayo ammaanka faraha kula jireen.

Eedeysanayaasha maxkamadda la horkeenay ayaa waxay kala yihiin; Xasan Cabdi Xuseen Fiidoow, Nuur Shire Siyaad, Ibraahim Maxamed Xayir iyo Xasan Maxamed Kaahiye.

Kaaliyaha garsooraha maxkamadda ciidamada qalabka sida; G/dhexe, Xasan C/raxmaan Aadan ayaa warbaahinta u akhriyay xukunnada kala duwan ee ay maxkamaddu ku ridday eedeysanayaashii maanta la horkeenay.

Sidoo kale, kaaliyaha ayaa xusay in sidoo kale maxkamaddu ay dhageysatay eedihii loo kala haystay eedeysanayaasha kala ah; Nuur Shire Siyaad oo 19-jir ah, Ibraahim Maxamed Xayir oo 36-jir ah iyo Xasan Maxamed Kaahiye oo 54-jir ah ay xukunno kala duwan ku ridday.

Ugu dambeyn, G/dhexe Xasan C/raxaman ayaa sheegay in eedeysanaha afaraad oo lagu magacaabo Xasan Maxamed Kaahiye oo 54-jir ah la sii daayo kaddib markii la waayay wax markhaatiyaal ah oo ku caddeeya eedeymihii lagu soo oogay.