Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey weerarkii argagixiso ee maanta lagu qaadey mid ka mid ah hoteelada magaalada Muqdisho oo ay ku sugnaayen mas’uuliyiin iyo shacab intaba.
Madaxweynaha ayaa sheegay in weerarkani aanu dib u dhac ku keeni Karin hawlaha dowladda iyo dadaalka nabada lagu sugayo, isla markaana la sii wadi doono dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada iyo kuwa kale ee ka soo horjeeda xasilooni ay Soomaaliya hesho.
“Waan sii wadeynaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Waxaana hubaa in weerarkan uu mar kale u caddeynayo shacabka Soomaaliyeed in kooxaha magaca diinta sida khaldan ugu gambanaya aysan wax xushmad ah u ahayn diinteena saliimka ee Islaamka ee nabadda ina fareysa, iyagoo dilaya dad Muslimiin ah oo ana waxba galabsan. ’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqey shacabka inay sii wadaan gacansiinta iyo la shaqeynta laamaha amniga si looga hortago dadka qalalaasaha ku wada iney nabad ka dhacdo dalka.