Faahfaahin kasoo baxeysa qarixii maanta ka dhacay hotel central ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku dhinteen dhowr wasiiro iyo xildhibaano qaar kalana ay ku dhaawacmeen inta aynu hada helney waxaa ka mid ah:- Gudoomiye ku xigeenkii dhanka Siyaasada ee maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Aadan Guuleed “Caano geel” ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeroyooday qaraxii Maanta ka dhacay Hotelka Central ee Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Qaraxaasi waxa ku dhintay Xildhibaan Cumar Furdug oo ka mid ahaa Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo isna ku sugnaa gudaha Hotelka markii uu qaraxa dhacaayay.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dadka dhintay qaraxii Maanta ka dhacay Hotelka Central ee Magaalada muqdisho uu ku jiro Wasiirkii Wasaarada Dekeda ee Xukuumada Soomaaliya Nuur Faarax Xirsi.
Sidoo kale waxa qaraxii maanta ka dhacay Hotelka Central ku dhintay C/shakuur Cali Mirre oo horay u soo noqday Wasiir Ku xigeenkii hore ee Wasaarada Warfaafinta ee Xukuumadii Ra’isal wasaare Saacid.
Qaraxa ayaa sidoo kale waxa ku dhaawacmay Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumada Soomaaliya Cali Axmed Jaamac “Jangali” iyo xildhibaan Cabduqaadir Cali Cumar oo horay u soo noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Dowladii KMG ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka ahna ku simaha ra’isal wasaaraha Dalka Maxamed Cumar Carte ayaa isna la soo sheegayaa inuu ku dhaawacmay qaraxaasi balse dhaawiciisa uu yahay mid fudud sida aan ka soo xiganay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada.
Intii kusoo korortaa dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa haduu alaha awooda leh inoo ogolaado.