Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta ka soo degey garoonka diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana u bilowdey socdaal rasmi ah oo u dalka ku yimid.
Wafdiga waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamanka, Taliyeyaasha Ciidammada, Danjiraha Djibouti u fadhiya Soomaaliya Dayib Dubbad Rooble, Taliyeyaasha Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM, iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuudayaa sheegay in booqashadan ay ka tarjumeyso taagaerada mar walba uu Madaxweyne Geelle iyo shacabkiisa la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo isna halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa tacsi u direy ummadda Soomaaliyeed weerarkii arxandarrada ahaa ee shaley kooxaha nabadda diiddan ku laayeen dad Muslimiin ah oo aan waxba galabsan.
Madaxweynaha Djibouti ayaa waxaa wafdigiisa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Dhaqanka iyo Arrimaha Diinta Aadan Xasan Aadan, Guddomiyaha Maamulka Dekedaha Djibouti, Abuubakar Cumar Xaddi, La Taliyaha Madaxweynaha Djibouti Xaashi Cabdullaahi Orrax iyo mas’uuliyiin kale.