Wararka aynu ka heleyno dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in ganacsatada Soomaaliyeed ee dhawaan Hantidooda lagu boobay deegaano Hoostaga magaalada Cape Town dib u bilaabeen howlahooda ganacsi oo mudo Hakad ku jiray.
Deegaanka phillipi oo inta badan ganacsatada boobka loogu geystay ayaa hada ah u muuqda mid dib ganacsigii Soomaalida ugu soo laabanaya,waxaana la arkayaa xarumo dhowr ah oo horay boob loogu geystay oo hada furan.
Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa hada ku mashquulsan sidii ay u horay ugu sii wadan lahaayeen ganacsigooda,iyagoo feejigan.
Zakariye Maxamed Maxamuud waxaa uu ka mid ahaa dhalinyarada Soomaalida ee ka shaqeynayay xaafada pillipi 24-kii bishii lasoo dhaafay waxaa uu nasiib u yeeshay in uu ka badbaado dukaankiisa oo ay dab qabad siiyeen boqolaal shacab south africaan ah oo careysnaa .
ADEER CARABTA WAXEY KU MAAH MAAHDE ” MALUL MAA’ ILAL MAA'” TAASOO MICNAHEEDU YAHAY WAX WALIBA SIDUU KU YIMID AYUU KU DHAMAADAA.
KUWA AAD KU SHEEGEYSO GANACSATO MA WEYDIISEY XAGEY KA KEENEEN HANTIDA AY KU GANACSANAYAAN?
CADDEYN WAAFI AH OO KU SALEYSAN XISAAB SAX AH OO XALAAL AH MA U HAAYAAN GANACSIGA IYO HANTIDA AY KU SHAQEEYAAN?
ANNAGA WAXAAN OGNAHAY IN HANTIDAAS AY MARKEEDII HOREBA KU TIMID DHAC IYO BOOB QORI CAARADIISA LOOGU GEEYSTEY MASAAKIIN AAN IS-DIFAACI KARIN IYADOO LOO SOO MAREY DAGAAL LOOGU DAN LAHAA IN LA ABUURO TUUGO GANACSATO AH , TUJAAR XARBI IYO KUWO AY KA DHIGTEEN SIYAASIYIIN.
WAXAAN HUBAA IN KUWAAN AAD KU TILMAANTEEN GANACSATO AY KU DAMBEYN DOONAAN HALAAG IYO BUR BUR KA BADAN KII AY KA SOO GEESTEEN SOMALIA, KUNA DHAMAAN DOONAAN IYAGA IYO HANTIDOODA XAARANTA AH ADUUNKA DAAFAHIISA KALA DUWAN, LAGUNA SALLIDI DOONO KUWO IYAGA KA JABAARSAN KANA AWOOD BADAN SI LOOGA ABAAL MARIYO DEMBIYADII AY KA GEESTEEN SOMALIA, AAKHIRANA XISAABTAN ADAG AYAA SUGEYSO.
Faarax Xirsiyoow, Waa Runtaa in Dadka qaar ay Lacag xaaraan ah in ay hoowshoodi ku wataan Laakiin ayaa meesha jirta- Qaar kale ayaa jira oo Lacag dadkoodii dibadaha jira ku kaalmeeyey oo sidaasi ku sameesteen Ganacsigoodii, Qaarka kalena waxay soo gatteen Guryohoodii ama Beerahoodi oo ka dib ku bilaabay Ganacsigoodi.
Kuwa Xaaraanta ku billaabay ganacsigoodii ayaguba way ogyihiin Ciqaabta ay ka muteeysan karaan Rabbigii Na Abuurtay!
Kuwa Beerahoodii gadayna dan ayaa ku kaliftey oo maxaa yeelay nin isaga oo kale ayuu ka ooga baqay xoolihiisa oo wuu iska dhicin waayey kolkaa ayuu u dhoofay waddan shisheeye, Beerihiisa wuu tacban waayey nabadgelyo xumo darted.
Comments are closed.