Reysulwasaaraha xukuumada federalka Cumar Cabdirashiid iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odaywaa oo ka hor hadlay Madasha uu Shirka Dib u heshiisiinta Dadka Daga Gobolada Dhexe uu ka soconayo ayaa balan qaaday in Dowladda Soomaaliya ay la wareegi doonto Maamulka Shirka lagu dhisayo Maamulka Gobolada Mudug iyo Galgaduud.
Labadan masuul ayaa intaa ku daray in Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya ay Xil weyn iska saareyso sidii loo dhisi lahaa Maamulka Gobolada Dhexe.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada