Dhegeyso:-Kaliil oo Dhaliiley Siyaasada Maamulka KMG ee Jubba iyo Shir ka furmay Magaalada Garbahaarey

0
66
kaliil111Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi kaliil oo Wareysi dheer siiyey warbaahinta Wadajir  ayaa waxaa uu sheegay in maalinimadii shaley magaalada Garbahaarey uu ka furmay shirkii Midnimo , wejigiisa labaad,kaasi oo uu sheegay in ay ka soo qeyb geli doonaan Ergooyin badan oo ka kala imaanaya Gobolada Gedo,J/Hoose iyo J/Dhexe,si looga arinsado aayaha seddexdaasi Gobol.
Kaliil oola  weydiiyey sida uu u arko howsha Xulista Xubnaha Baarlamaanka Jubba ee ka soconaysa magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu yiri ma filaayo in wax natiijooyin ah in ay ka soo bixi doonaan,waxaana Maamulka Axmed Madoobe uu ku eedeeyey dilal qorsheysan,Barakicin iyo cadaalad daro loo geystey mid ka mid ah Beelaha Jubbooyinka.
Gudoomiyaha Gobolka ayaa waxaa uu si weyn u taageeray Go,aankii hogaanka dhaqanka,Odoyaasha iyo Waxgaradka Beesha SADE  ee ku sugan Magaalada Kismaayo ay ka qaateen xulashada Baarlamaanka Jubba oo uu tilmaamay in ay ku socoto Boob iyo wax is daba marin,isagoona sheegay arimahaasi in ay yihiin kuwo aan la aqbali karin.