Kooxo Hubeysan oo Maanta Weerar Ku Qaadey Jaamacad Ku Taala Magalada Gaarisa

0
77

garisaKooxo hubeysan ayaa saaka subaxnimadii hore weerar ku qaaday Jaamacada magaalada Gaarissa ee gobalka waqooyi bari ee dalka Kenya ayadoo dhawaqa rasaasta wali laga maqlaayo gudaha magaaladaas.

Jaamacada Gaarisa oo ku taallo xaafada Waaberi ee magaaladaas, ayaa wax ka barto arday tira badan oo iskugu jiro Soomaali iyo waliba kuwa anan Soomaali aheyn balse Kenyan ah. Waxeyna horay Jaamacadaas u ahaan jirtay College ama Machad, laakin sanadihii la soo dhaafay ayaa laga dhigay Jaamacad.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo Hiiraan Online ay la hadashay, ayaa waxey sheegeen iney saaka ku waabariisteen dhawaqa rasaasta isla markaasna ay wali maqlayaan daryan-keeda.

Illaa iyo hada lama oga qasaaraha ka dhashay weerarkaas iyo waliba cida ka dambeysay ayadoo dowlada Kenyana aynan wali ka hadlin, balse ciidamo badan la geeyay goobtaas.