Dhegeyso:-Zakariya Ismacil Xersi oo Ka Tirsanaa Alshabab oo Sheegey In Mukhtaar Roobow ( Abu Mansuur ) Inuu Kol Hore Ka Baxay Alshabab

0
65

Robow-Abu-MansurZakariya Ismaaciil Xersi oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa wareysi uu siiyay VOA-da ku sheegay in Sh. Mukhtaar Roobow Cali (Abu-Mansuur) oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee Al-shabaab uu isaga baxay kooxda.

Sarkaalka oo hadda ku biiray dowladda Soomaaliya ayaa waxaa kaloo uu sheegay in Abu-Mansuur uu ku nool yahay dhulka uu deegaan ahaan kasoo jeedo, isagoo tilmaamay inuu yahay shaqsiga keliya ee ugu wanaagsan oo kasoo haray madaxdii Al-shabaab.

Sidoo kale, Zakariye wuxuu ka hadlay amiirka cusub ee Al-shabaab Sheekh Axmed Cumar Abu-Cubeyda kaasoo uu ku sheegay magaciisa dhabta ah in la yiraahdo Axmed Diiriye, isla markaana uu yahay nin ku feker ah Axmed Godane oo lagu dilay duqeyn.

Zakariye ayaa sannadkii hore dabayaaqadiisa kasoo goostay Al-shabaab oo uu ka mid ahaa saraakiishooda, isagoona isku soo dhiibay dowladda oo uu haatan ka tirsan yahay.

zakariye ismacil

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

zakariye ismacil mobil