Bandow Xaley Lagu Soo Rogey Magalooyinka Gaariza, Wajeer, Mandheera, iyo Tana River

0
106

Kenyan_Army_in_SomaliaWaxaa xalay ka dhaqan-galay gobalka Waqooyi-bari ee dalka Kenya bandow uu kusoo rogay taliyaha guud ee ciidamada booliiska Kenya, Joseph Boinett oo sheegay in xaalad bandow ah la galiyay magaalooyinka waa weyn ee gobalkaas.

Taliyaha ayaa amray in bandowgaas uu xalay ka dhaqan galo Magaalooyinka Gaarisa, Wajeer, Mandhera iyo Tana River, isla markaasna uu bilowdo 6:30 fiidnimo una socon doono ilaa laga gaaraayo 6:30-ka subaxnimo.

Bandowga, ayaa la sheegay inuu socon doono inta u dhaxeyso 3-da bishaan, ilaa 16-ka isla bishaan April, waxaana laga mamnuucay dad weynaha iney ka soo baxaan guryahooda xiliyada habeenkii ah.

Masuuliyiinta ammaanka ayaa ku tilmaamay bandowgaas inuu yahay mid lagu xaqiijiso amniga, loogana hortagaayo falal kale oo shacabka lagu wax yeeleeyo.