Warar aynu ka helney Magalada London ee cariga ingiriiska ayaa sheegaya in Afhayeenka madaxtooyada Maamulka Shariif Xasan isla markaana ah la taliyaha dhinaca warbaahinta Cabduqaadir Maxamed Cashar (Nadaara)  in uu maalintii shaley gellinkii dambe shir albaabada u xiran uu la yeeshey jaaliyada beesha Geladi ee ku nool dalka Ingiriiska gaar ahaan kuwa ku dhaqan  Magalada London.
Muuhiimada uu shirkan uu beesha Geledi ka dalbadey afhayeenka ayaaa waxaa ay ahayed si uu weydiisto shacabka reer geledi ee ku nool dalka ingiriiska gaar ahaan Magalada London iyo meelaha ku dhow dhow in ay u ururiyaan lacagtii uu ku goosan lahaa Tikidkii uu ku tegi lahaa magalada baydhaba iyo lacagtii uu gacanta kusii qabansan lahaa.
Qaar badan oo ku sugnaa madasha uu shirka ka dhacay ayaa si buuxda uga soo horjeestey dalabka kasoo yeerey afhayenka wexeyna isla markaasi u sheegeen in aysan taageersaneyn wax shuqul ahna aysan ku laheyn maamulka la magac baxay  seddexda gobol ee uu hormuudka ka yahay Shariif Xasan.
Mid ka mid ah shacabka Reer Galedi oo lagu magacaabo Xasan Aweelinka oo ku sugnaa madasha shirka oo aynu la hadalney ayaa isna inoo sheegey in kolkii ay maqleen shacabkii halkaasi isugu yimid hadalka ka soo yeerey afhayeenka ay la fajaceen halka nin kaloo isagana lagu magacaabo Muuse uu isna isku xilqaamey in uu magalada u geli doono afhayeenka si uu lacagtaas uga soo ururiyo umada kale.
Si kastaba arintu ha ahaatee hadalada kasoo yeeraya qaar ka tirsan maamullka uu Shariif sameystey ayaa ah hadal aan cusbeyn maadaama uu Shariifkaba ugu tala galey dadka uu maamulka ku darsanaayo iney yihiin kuwo aan waxba heysan isla markaana u dhaga nugul mar walbana u taagan in ay gacanta u hoorsadaan Shariifka.
Madeey London
beenaale ayaa tahay qofka qorey hadalkaan teeda kale shariif wuxuu awoodaada in uu diyarad u soo dir af hayeenkiisa mida kale waxaad ogaataa beenta aad dadka ka dhaadhicineyso oo aanan dan kuugu jirin iska daa shariif waxa uu qaban karo waxaa kamid ah dadka maalin kasta aad ku soo qoreyso leedaha dadka soo duuley ayuu la tartamikaraa ha noqoto siyaasad amaba ciidan labaduba waa uu awoodaa teedakale 6da gobol aad u ordeysid marka hore sadexdaan dadka kula heysto iska kici kadib u gudub kuwa kale waayo culeys badan ayaa jiro dadkana ha fahmaano in uu culees jiro teedakale siyaasadaan hada socoto shariif kaliya ayaa kadabaalan karo inta kale wakhtigooda weli lama gaarin ha sugaano intaa goblka looga sifeeynaayo cadwga ku soo duuley oo dhan siyasadan sifiican ha u bartan doorkooda ha sugaan intaaasi ayaan kugu darsanaaya qofka maqaalkaan qorey danteena hada shariif ayaa ku jirto kuwa kale weli howshooda lamagaarin
VIVA BOQORTOYADA REER GELEDI GOBANIMO WAA U DHALASHO.
Looool sheekadaan sheeko aan sahlaneyn waaye marka aad aragto dadkii wax hogaamin lahaa oo wada gacmo maran.
Calool baahan ilaa ay ka dheregto u maleyn maayo iney wax dad u qabaneyso sida aan aragnana siyaasiyiinta calool dharagto maleh.
Maxamad armaa adna ka mid tahay kuwa deegaanka kusoo duuley sabatoo ah adigoo arkaya gobolada aad sheeganeyso in aad leedahay maamulka lo sameeyey 50% waxaa dad aan deegaanka shaqo ku laheyn 50% waa dadka deegaanka suaasheyda waxaa ay tahay hadaad adiga leedahay 3 gobol ma ii sheegi kartaa waxa maamulka sidaa looga dhigey mise waxaad leedahay 3 hore iska daa 3dana dadka la qeybso waxba ha lahaanine?
Beenta iyo riyada aan dhamaadka laheyn ee aad umada u sheegeysaan hadad tihiin reer shariif iska daaya ee runta ka hadla si umada xal u hesho magalada muqdisho ee aad arkeyso 45% waxaa degan dad kasoo jeeda koonfur galbeed xil in laga siiyo iska daayee kama hadli karaan xataa anagana kuwo ka yimid geeska kale ee somaliyaa maamulka lagu direy si ay beri u dhahaan koonfur galbeed ayaan wax ka degnaa sidaas ayaa maamulka wax la inooga siiyey.
Mustaqbal caruurtiina god haku ridana ee xaqa u istaaga waxaad leedihiin dad ha uga xishoonina koley idinkama sugeyno hadad tihiin taageerayaasha shariif waxaan laheyn inaad noo soo dhicisaan wexeena ha naga bixinina
Mashaakilka aduunka wariyihii kolkuu ku biirey xulufada shariif saan maa u damkbeysey, reer galedi shaqo fiican aa qabateen ilaahwey ajar ha idinka siiyo markii horoba waa idinku ogeyn wadaninimada
NADARA duligaan maa u dambeesay arintaan waxee hoos u dhigeesaa sumcadii uu NADARA ku kalahaa shacabka& Mediha xort ah sharif fircoon mar hadoo dhulkii gatay hadana maxaa u haray dadka sumcada leh sumcadooda inoo iibsado
Comments are closed.