Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo markii ugu Horeysey Ka Hadley Taageerada Ay Dowladiisa Taageertey Duqeynta Yeman

0
48

xasanMadaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa ka hadlay mowqifka dowladdiisa ay ku taageereen duqeymaha ka dhanka ah mucaaradka Xuuthiyiinta ee dalka Yemen ee ay wadaan dalalka uu hoggaamainayo Saudi Arabia.

Xasan Sheekh oo la hadlayay VOA-da ayaa sheegay in dowladda Samalia ay wado qorshe ah sidii qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Yemen ay dib ugu soo celin laheyd dalka si ay u noloshooda u badbaadiyaan.

Su’aal la weydiiyay oo ahayd sababta ay ay ku taageereen duqeymaha dalka Yemen ayuu ku jawaabay inay diiddan yihiin si khasab ah lagu rido dowladda sharciga ah ee dalkaas ka jira.

Madaxweynaha ayaa mar kale la weydiiyay su’aal kale oo ahayd inay kaga timaaddo dhibaato taageeraadaas dadka Soomaaliyeed ee Yemen ku nool ayuu ku jawaabay in xataa haddii ay ka aamusaan aysan ku nabad-galeyn, isagoo hoosta ka xariiqay ain dowladdiisu ay ka qaadatay siyaasad cad oo lagu bad-baadinayo Qoxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku sugan.