Dowladda Soomaaliya ayaa ogolaatay in loo isticmaali karo hawada iyo badda Samalia duqeynta dalka Yemen ee uu hoggaaminayo Saucuudiga, Sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Somalia.
C/salaan Cumar Hadliye oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay inay qaateen siyaasad cad oo ku wajahan in Xaalada Yemen, iyagoo kasoo horjeeda in xoog lagu bedelo dowladda sharciga ah ee dalkaas ka jirta.
Wasiirka ayaa sheegay inay ogol yihiin in la isticmaalo hawada, dhulka iyo Badda Somalia haddii loo baahdana la isticmaalo karo, isagoo yiri. “Haddii aoo baahdo hawadeenna, baddeenna iyo dhulkeena in la isticmaalo.”
Sidoo kale, wasiirka ayaa intaas ku daray in Somalia oo burbursan ay is-bedeshay lix dowladood oo si sharci ah ku kala wareegay, isla markaana aanay aqbalayn in dowladda Yemen ee sharciga ah xoog lagu bedelo.