Dowlada Kenya ayaa xirtay isla markaasna ruqsadii ay ku shaqeyn jireen kala noqotay 13 Xawaaladood oo Soomaali ay leedahay kuwaasoo ka shaqeyn jiray gudaha wadanka Kenya, isla markaasna hakisay xisaabaadkii ay Bangiyada ku lahaayeen 86 qof oo Soomaali ah.
Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Ole Nkaissery, ayaa sheegay in Xawaaladaha la xiray loo adeegsan jiray in dhaqaalo loogu diro Xarakada Al Shabaab ee Somalia ka dagaalanto.
Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiirku in ay amar ku siiyeen Bangiyada waa weyn ee ka shaqeyo Kenya, in aynan adeeg siin karin Xawaaladaha iyo waliba shaqsiyaadka xayiraada lagu soo rogay.
Hadda ayey fahamtey dawlada kenya meeshii laga haystey,waa haddii ay ka dhabeyso warkaan ka soo yeerey.
Comments are closed.