Wafdi uu hogaaminaayo madaxweynaha dowlada federalka somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyd gaarey magaalada Dhuuso-mareeb ee xarunta gobolka Galguduud.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay joogaan magaalada Dhuusa-mareeb ayaa waxaa ay kuamo la yeelan doonaan wax-garadka ku shirsan magaalada, kuwaasoo ku saabsan shir lagu dhiso maamul-goboleedka gobollada dhexe ee Soomaaliya.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa maanta kula kulmey magaalada Dhuuso-mareeb mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo maalmahan safar ku joogay degmadaas iyo guddoomiyaha gobolka Galguduud, Xuseen Cirfo.
Ma aha markii ugu horeysey ee uu madaxweynaha tago magaalada dhuusamareeb si uu wada xaajood ula sameeyo odayaasha iyo waxgaradka deegaanadaas wuxuuna kasoo laabtey isagoo wax natiijo ah kala kulmin mana garan karno safarkan hada waxa uu kaga duwanan doono midkii hore.