Golaha wasiirrada xukuumadda Somalia oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ka hadlay Amniga guud ee dalka, xaaladaha shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Yaman iyo Kenya, iyagoo dul-dhigay lacag hoggaamiyaha ugu sarreeyo Al-shabaab.
Xubnaha golaha wasiirrada ayaa ka dooday liis ay ku qoran yihiin 11-ruux oo ka mid ah hoggaanka sare ee Al-shabaab, waxaana golaha wasiirradu ansixiyeen lacagaha lagu abaal-marinayo ciddii keenta macluumaad ku saabsan halka ay ku sugan yihiin hoggaanka sare ee Al-shabaab.