Sawirkan ayaa waxaa uu ka turjumayaa marxaladaha kala duwan ee uu soo marey siyaasiga somaliyeed iyo marxalada uu maanta ku sugan yahay taasoo laga yaabo in marxalada ay hada ku sugan yihiin hadii ay kusii socdaan ay ka dari doonto mida iman doonta.
Waxeynu maanta aragnaa in dhamaan siyaasiyiinta somaliyeed tuulo walba ama deegaan walba ay kasoo jeedaa ay u hogaansan yihiin amarka kasoo baxa xukuumada itoobiya, Ma somaaliyaa ka mid noqotey maamul goboleedyada dalka itoobiya? aawey dowladnimadeenii iyo qaranimadeena goormeese siyaasiga somaliyeed dhergi doonaa oo jaabkiisa buuxsami doonaa si uu usoo xasuusto qaranimadii iyo dadnimadii ay somaliya laheyd?
Siyaasi walbow dhinacaada fiiri awayeen kuwii siyaasada shaley idinkula jirey lacagtii ay ku iibsadeen qaranimada somaliyeed ma aqiraa loogu xawiley mise dunidey kaga tageen? siyaasi walbow waxaad ogaataa in dunida ay tahay maalmo kooban lacagna loo xawili karin aqiro, Shacabkiina dunida dacaladiisa iyo wadanka gudihiisa darxumada ku heysato usoo jeeso kuwasi markey dad noqdaan adna dad baad noqon.
Iimaan alaa Uur Buuxiyo