Madaxweynaha dowlada federalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminyo ayaa dib ugu soo laabtey Muqdisho, kaddib marki ay booqasho laba maalmood ah ku tageen xarunta gobolka Galguduud ee Dhuuso-mareeb.
Xasan Sheekh ayaa intii uu degmadaas ku sugnaa wuxuu kulamo la qaatey odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, ururrada bulshada iyo shacabka.
Madaxweynha ayaa qaybahaas kula dardaarmey inay xoojiyaan dadaalka dib u heshiisiinta oo uu sheegay inuu muhiim u yahay dib u dhiska iyo sidoo kale mustaqbal wanaagsan oo ay Soomaaliya hesho.
Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intii uu halkaas ku sugnaa wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqey in 11-ka bisha Abriil degmada Cadaado uu ka furmi doono shirka maamul u sameynta gobollada dhexe, isla markaana magaalada Dhuuso-mareeb ay noqon doonto caasimadda maamulka cusub ee gobollada dhexe.