Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar Cabdirashiid Cali oo ay wehliyaan ra’iisul wasaare ku-xigeenkisa iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada ayaa maanta Hor-tagay Golaha Baarlamaanka si uu uga Hor-jeediyo Barnaamijka Xukuumadda.
Sharma’arke ayaa xusay in arrimaha amniga ay xukuumadiisa mudnaanta koowaad siisay, isagoo intaas ku daray in Xukuumaddu diyaarsay Dadaallo wax looga Qabanayo Amniga, kaasoo ay iska-kaashanayaan shacabka iyo dowladda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas ku daray in kulankii Golaha Wasiirrada ee dhacay 07-dii May, 2015-kii ay ansixiyeen saddex guddi oo udub-dhexaad u ah xaqiijinta Hiigsiga 2016-ka, waxaana gudiyadaas ka mid ahaa Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka, gudigaasoo looga fadhiyo inuu dalka u diyaariyo hannaan doorasho sannadka soo socda. Isagoo Baarlamaanka ka codsaday inay guddiyada madaxa-bannaan si dhaqso ah u ansixiyaan.
Dhanka kale, ra’iiusl wasaaraha ayaa sheegay in qabyo tirka dastuurka uu ka mid yahay waajibaadyada ugu waaweyn ee horyaalla xukuumadda iyo Golaha Shacabka. “Si aan u Xaqiijinno Waajibkaan, Waxaan Sameynnay Wasaaradda Dastuurka oo mas’uuliyadeeda koowaad ay tahay inay hoggaamiso sameynta dastuur dhameystiran oo dadka Soomaaliyeed heshiis ku wada yihiin.”