Pro Jawaari oo Sheegey In Mamul Goboleedyada aan loogu Yeeri karin Dowlad Goboleed

1
80

Mudane-JawaariGuddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Prof. Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari ayaa markii ugu horreysay sheegay in maaml-goboleedyada dalka ka jira aan loogu yeerin dowlad-goboleed illaa uu baarlamaanku ka ansixinayo in magacaas loogu yeeri karo iyo in kale.

Prof. Jawaari ayaa hadalkan shalay ka sheegay kulankii baarlamaanka, isagoo tilmaamay in shuruucda dalka aysan waafaqsaneyn in maamullo KMG ah loogu yeero dowlad-goboleed.

Sidoo kale, Prof. Jawaari ayaa xusay inaanay ahayn in dadku Isku-qaldaan maamul KMG ah iyo dowlad-goboleed, wuxuuna intaas ku daray in shardiga dowlad-goboleed lagu noqon karo ay tahay in baarlamaanku ogolaado.

Maamul-goboleedyada KMG-ka ah ee Dalka ka jira ayaa Waxaa inta badan loogu yeeraa dowlad-goboleedyo, iyadoo qoraallada kasoo baxa madaxtooyada ee ku aaddan ka hadlidda maamulllada dalka ka jira inta badan loogu yeero in ay yihiin dowlad-goboleedyo.

1 COMMENT

Comments are closed.