Madaxweynaha Dowlada federalka somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku beegan sannadguuradii 72-aad ee ka soo wareegtay munaasabadda 15-ka May u direy shacabka somaliyeed.
Munaasabaddaasi ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku wehliyey kumanaan qof waxaa uu socod ku marey qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, isagoo isla markaana ubax xusuus ah dhigey taalada SYL .
Socodka uu ku marey waddooyinka kadib, Madaxweynaha waxaa uu shacabka magaalada Muqdisho kula hadley fagaaraha Daljirka Daahsoon.