Wasiirka wasiirada caafimaadka Soamaaliya marwo Xaawo Xasan Mohamed oo booqash ku joogta dalka Shiinaha ayaa kulamo la qaadatay dhiggeeda dalkaasi maewo Li bin.
Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriir ka labada dal iyo sidii dawladda Shinuhu ay uga kaalmeeyn laheeyd dawladda Soomaaliya arrimaha caafimaadka iyo fayo dhowrka.
Kulanka labada Wasiir oo ka dhacay xarunta wasaradda caafimaadka Shiinaha ee magaalada Beijing, iyadoo wasiiradda caafimaadka Shiinaha ay ballan qaadday taageero dhan walba leh oo ay siineyso dawladda Soomaaliya.
Wasaaradda caafimaadka Shiinaha ayaa sheegtay in wafdi heer sare ah ay u diri doonto Muqdisho, kaasoo soo qiimeynaya mashaariicda ay dowladda Shiinuhu qorsheyneyso iney ka hirgeliso Soomaaliya.