Wasiiradda Caafimaadka Somalia, Xaawo Xasan Maxamed ayaa beryahan waxaa ay boqasho ku joogtey dalka shiinaha ayadoo halkaasikula kulantey Wasiirka Caafimaadka Shiinaha, Li Bin, waxayn kawada hadleen sidii loosoo celin lahaa mashaaricdii Caafimaadka ee Shiinuhu ka fulin jiray Somalia.
Labada wasiir ayaa ku heshiiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan Wafdi ka socdo Wasaaradda Caafimaadka Shiinaha loogu soo diro Somalia si ay u qiimeeyaan baahida caafimaadka ee Somalia ka jirta, sidoo kale waxaa la isku af-gartay in heshiis labada dal ah la kala saxiixdo dhawaan.
Sidoo kale, wasiirradda iyo Wafdigeeda ayaa waxay booqdeen saddex gobol oo ka tirsan Shiinaha, iyagoo indho-indheyn ku sameeyay warshadaha soo saara dawooyinka, isbitaal-lada, Jaamacadaha iyo xarumaha cilmi-baarista ee Shiinaha.
Wasiirada ayaa sidoo kale waxay la kulantay madax kala duwan ee dalka Shiiinaha gaar ahaan guddomiyayaasha saddexda gobalka ee ay booqatay, waxayna isku dhaafsadeen kulankaas arrimo la xiriira sidi kor loogu qaadi lahaa tacliinta iyo deeqda wax barasho ee la siiyo ardayda Soomaaliyeed.