Wararka inaga soo gaaraya Degmada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Qarax Miino lagula beegsaday Gaadiid ay wateen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Qaraxa ayaa ka dhacay Suuqa Dhuxusha ee Degmada Marka,waxaana loo dhigay Gawaarida Qafilan ee Ciidamada AMISOM oo xiligaa meesha marayay.
Mid ka mid ah dadkii meesha ku sugnaa oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegey in Qaraxa uu geystay Khasaaro Xoogan inkastoo aan la ogeyn Tirada Dadka Waxyeelada ay ka soo gaartay hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa.
Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkaada
qarax ka dhacay degmada marka mobil