Ahlusuna Waljameeca oo La Wareegtey gacan Ku Heynta Degmada Dhuusa-Mareeb

0
45

ahlusunaWararka aynu ka heleyno degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah gobolka Galguduud, ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saakay gacan ku heynta degmada la wareegeen xoogag ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca.

Dagaallka xoogiisa ayaa la leeyahay waxaa uu wali ka soconayaa qeybo ka mid ah degmada, gaar ahaan guriga guddoomiyaha gobolka Xusseen Cali Weheliya Cirfo, inkastoo dhamaan xaafaddaha ay degmada ka kooban tahay la wareegeen xoogagga Ahlu Suna.

Weerarka Ahlu Sunna ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ay ku qaadaan degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud, halkaa oo xarun u aheyd mas’uuliyiinta dowladda ee gobolka Galguduud.

Xoogagga Ahlu iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore ku dagaallamay degmada Guri-ceel, halkaasoo labada dhinac midba mar uu la wareegay.