Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federaalka Somaliya, C/raxamaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa ka hadlay dagaaladii ka dhacay Magaaladda Dhuusamarreeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.
Wasiirka, ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado weerarkii ay Ahlu Sunna kula wareegtay Magaaladda Dhuusamareeb, isagoo ku tilmaamay in tallaabadaasi tahay mid ay kooxdaasi uga baxday heshiiskii xabad joojinta ahaa, ee kal hore lagula galay Magaalada Guriceel.
Sidoo kale Wasiir Odawaa, ayaa ku sifeeyay qabsashada Dhuusamarreeb mid lagu hagar-daaminaayo habsami u socodka Dhisamaha Maamulka Gobolada Dhexe, isla markaana lagu qalqal-gelinayo nabadda iyo xasiloonida, ay haystaan shacabka deegaanka.
Qoraal uu caawa soo saaray Wasiirka, ayaa wuxuu ku sheegay in Dowladda Somaliya ay qaadi doonto tallaabo deg deg ah, taasoo sida uu sheegay looga hortagaayo kuwii weeraray Magaalada Dhuusamareeb.
Ahlu Sunna ayaa dhankeeda sheegtay tallaabada ay kula wareegtay Dhuusamareeb inay ka dambeysay, heshiiskii ay Dowladda kula saxiixatay Guriceel, oo ka dhaqangeli waayay dhinaca Dowladda.