Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Federalka Somaliya oo Codsi Ka Mid Noqosho u Direy Barlamanka Wadamada Bariga Africa

0
58

jawariGuddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa la kulmay guddoomiyaha Baarlamaanka waddamada Bariga Afrika, Daniel F. Kidega waxaana kulan ka dhacay Kampala ay kaga wadahadleen Wada-shaqeyn dhex-mara labada Baarlamaan.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay codsiga Xubbinimada Soomaaliya ay u dirtay ururka iskaashiga dalalka Bariga ee EAC, kaasoo aan wali wax go’aan ah laga gaarin, balse loo saaray guddi heer wasiirro ah oo kasoo baaran-dagaya.

Prof. Jawaari ayaa xusay inay muhiim tahay in Wadahadallada labada dhinac ay mar kasta furnaadaan illaa inta Soomaaliya ay Xubin buuxda ka noqonayso Baarlamanka iyo Ururka Is-kaashiga Bariga Afrika.

Ururka Bah-wadaagta Bariga Afrika waxaa xubno ka ah dalalka Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda iyo Burundi, iyadoo Dhawaan ay Codsadeen Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan, kuwaasoo aanan wali loo ogolaan inay ka mid noqdaan.