Waa xigmad Soomaaliyeed oo soo jireen ah isla markaana daahfur maanta u ah Guuxa dadweynaha ee todobaadkan,
Hadaba waa iga su’aale Maxay ku nuugtaa maxayse ka nuugtaa?!
Maamulkan soo daahiri la’ ee laga sugaayo madaxa KoonfurGalbeed Xasan Aadan inuu u soo magacaabo gobolka Shabeelaha hoose sow uun xaalkiisu ma ahan Maxay ku nuugtaa maxayse ka nuugtaa? Waxaan sidaan u leenahay si aan wax uga ifino halka uu ku wajahan yahay hamiga Shacabka iyo weliba halka uu maamulku ku socdo.
Kala bariday kala war la’ ee reer Shabeelaha hoosow ma la idiin waramay?!
Waa wax iska caadi ah in kolka uu maamul cusub yimaadaba uu isbedel maamulka ahna uu la yimaado sidaa oo ay tahay ayaa waxaa hadana la filan karaa in isbedelkaasi gudihiisa laga arko isbedelo muuqda oo shacabka loogu danaynaayo laguna daahirinayo Najaasadii hore.
Waxay ahayd todobaadkii hore kolkii uu Xasan Aadan isbedel ku sameeyay maamulka Gobolka Baay iyo Kan degmada Baydhabo balse waxaa isweydiintu tahay maxuu bedelay muxuuse ku bedelay? Kolka laga reebo shakhsiyaadkii xilalka hayay oo la bedelay ma ahee xaalka kale waa sidiisa oo beelwalba qofkeeda halkii uu xilka ka hayay unbaa maamulku weydiistay inay ninkale u keensadaan si loo magacaabo.
Sida dhabta ah dhibweyn kama jiro kamana jiri doono maamulada gobolada Baay iyo Bakool maadaama horeyba ay RRA da uga sifaysay Nijaastii horey ugu habsatay haatana uu xaalkoodu marayo Xuska sanadguuradii Nijaas dhaqa oo iyana todobaadkan la xusay.
Hayeeshee xaalka gobolka Shabeelaha hoose ayaa ah maanta mid gebi ka laadlaada amaba aan dhihi karno “Shimbir caruuri qabatay Dilmana u dhow deysmana u dhow”.
Guud ahaan beelaha wada dega gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen in gobolkooda aan la raacin gobolka Shabeelaha dhexe waxaana taa loola jeeday in gobolka aan lagu sharciyayn kooxdii ku habsatay ee KIRKIRE iyo walaalahood balse waxaa maanta muuqda in markale kooxdii KIRKIRE iyo walaalaheed oo kaashanayso maamulkii aan ceersiga moodnay ee KoonfurGalbeed ay muuqato inuu u sharciyaynaayo maamulkii ay horey uga dhisteen gobolka Shabeelaha hoose reer KIRKIRE iyo walaalahood.
Maalin nimada beri ah ayaa waxaa loo balan sanyahay inuu Afgooye Sakiin kaga dhawaaqo wax loogu yeerayo maamul cusub oo uu yeesho gobolka Shabeelaha hoose iyo degmooyinkiisa balse aan haba yaraatee cusbayn kolka laga reebo wajiyada shakhsiyaad cusub oo ay xulifo yihiin Sakiin kana soo jeeda beelaha Abgaal,HabarGidir,Murusade iyo Xawaadle.
Guud ahaan maamulka gobolka iyo kan degmooyinka sideeda ah ayaa maanta Boqolkiiba Sideetan 80% ka taliya amaba xilalka sare ka haya shaqsiyaad kasoo duulay gobolada dhexe ee Soomaaliya marka berito oo saacado kaliya inaga xigaan maxaad Sakiin ka filan kartaa akhristaha qiimaha iyo qaayahaba lahow?!
Waa qiimayn dhab ah oo ay ummaddu ku arki karaan waxa uu Sakiin meelaha la wareegayo oo ah inuu dhisayo maamulo cusub balse qaab beeleedka dhismaha maamulka aanu waxba ka bedelin oo sidii uu ahaa 80% uu siiyo beelaha duulaanka ee reer Hawiye waxa isbedelaayana uu kaliya noqdo wajiyada shakhsiyaadka uu halkaasi u magacaabayo sida ka dhacday Baydhabo.
Hadaba kolk hadii xaalka uu waji bedel kaliya uu taagan yahay maamulka loo dhisayo Shabeelaha hoose sow uun ma ahan xaalkiisa”Maxay ka nuugtaa maxayse ku nuugtaa?”.
Qalinkii: Abdiaziz ShSalah.
Waa inoo Talaadada danbe hadii ALLAH laga helo.
Asc dhaman umada soomaaliyeed gaar ahaan dadka degaanka gobolka shabeelaha hoose waxaan aad iyo aad ugu Mahad Celina aya daafeet media oo ah shabakat ku Howland soo gud binta xaqiiqda ka jirta g/sh/h anigo Raba in aan wax ku daro sida aan aniga aan arkey ama aan maqley sida qowlaysatada ka soo jeeda degaanka ay u dhaqman qof jeeb kiisa ayey ka dhaman la’yihiin qadiyad la’an maamul xumu xishood la’anta iyo ay udaba taagan yihiin jahil
Reer koonfur galbeed gaar ahaan reer Shabeelada Hoose ha tashtaan hana iskaga hortagaan maamul isku sheega Sakiin oo ku dhisan musuq maasuq iyo ka ganacsiga dhulka iyo dadka.
ninyow mar horena waan kuula hadley hadana waan kuugu celinayaa dadka aad sheegeyso geba gebo ayey ku yihiin gobalka iyagaaba in loo kaalmeeyo u baahan dacaayadahaan aad u sameyneyso dad aan waxba aheen iskadaa ajuuraanba boqor ayuu ahaa hadan meel ku sheeg adiga hadaba dadkaan dacaayadooda anigu uunbaa wada anga qofka uu keen madaxweynaha ayaan lajirnaaa isgaba lagama xigo gobalka waayo isgaaba madax weene ka ah aniga daguuraayo dacaayad hanoogu sameeynin waayo waxaan dareemayaa in aad qandaraas ku qaadatey in dadkaasi la buun buuniyo dadkaan qofka kuula degen lama inkiro lakiin gobalkaan aad nagu wadid nagadaa ee adiga naso xooga cabdi casiis maamulak madaxweeynaha uu keenaayo sug
C/casiis taasbaad sheegaysaa berri fiiri waxaan Afgooye kasameyno, Xoghayaha Dowladda Hoose waxaanu siin doonnaa Abgaal, Marko-na waa sidaas oo waxaan Xoghayaha Dowladda Hoose siin doonnaa Habargidir, waxaan kuweydiinaa waxaad naga qaadi kartid adigoo Shan Caleemood ah iyo Website ka Markacadey oo Biimaal ah, Wallaahi waa idiinka xerayaa Website yadaan xunxunka ah, Wallaweene Abgaal ayaan kuxigeen kasiineynaa.
Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada KGS
Mudane Maxamed C/laahi Mursal.
”dharbaxada aad dugsato dhashaada ayey sugtaa abidee”hala dardar geliyo iska caabinta,wax shega,wax bixint,halala yimado is urursi lagu difaacayo dalka iyo dadka,haia daayo hadalka badan.
Comments are closed.