Shir Madaxeedka Wadamada Africa oo Sanadka Looga Hadli Doono Dhinaca Nabada

0
46

(21)EGYPT-SHARM EL-SHEIKH-AU SUMMIT-ASSEMBLY-CLOSING CEREMONYShir Madaxeedka 25-aad ee Ururka Midowga Afrika ee sanadkan oo magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika lagu qabanayo ayaa diirada lagu saari doonaa cirib-tirka faqriga iyo Amni-xumada ee ka jirta Qaaradda Afrika.

Shirka oo Axaddii ka furmay Pretoria intaan loosoo wareejin Johannesburg ayaa la filayaa in sidoo kale looga hadlo khatarta kooxaha Boko Haram iyo Al-shabaab oo ka dagaalama dalalka Nigeria iyo Soomaaliya.

Gideon Chitanga oo macallin ka aha Jaamacadda Johannesburg ayaa sheegay inay ka doodi doonaan Hoggaamiyeyaasha Afrika Xalka Rasmiga ee Khatarta Xag-jirnimada Qaarada ka jirta iyo sidii loo wiiqi lahaa awoodda Xag-jiriinta.

Sidoo kale, Ajandayaasha kale ee Shirka looga Hadli doono ayaa Waxaa ka mid ah Shaqo la’aanta haysata dhallinyarada Qaaradda Afrika iyo sidii Waxbarashada dalalka Afrika loo Horumarin lahaa.

Shirka Midowga Afrika ee sanadkan ayaa waxaa shir-guddoominaya madaxweynaha dalka Zimbabwe, Robert Mugabe oo ah guddoomiyaha Midowga Afirka ee Sannadkan, wuxuuna xilka dalkiisa hayaa muddo 30-sanadood ah.