DAAWO: Afhayeenka Koonfur Galbeed oo Si Diiran U Soo Dhaweeyay Go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya ee Ka Dhanka Ahaa Wakiilada Boobland

2
93

ilyaas-qalinleAfhayeenka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) oo lagu casuumay Munaasabad lagu taageerayay Go’aankii Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya uu ku diiday jiritaanka Wakiilada Maamulka Boobland ayaa si diiran usoo dhaweeyay Go’aankas.

Ilyaas Qalinle ayaa ku amaanay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya go’aankii geesinimada ahaa ee ay ku diideen Sharci ahaanshaha Wakiilada Boobland.

“Weligay ma taageerin Mooshin Baarlamaan uu keenay, laakiin kan waan taageersanahy. Mooshinkan ma ahan mid kayimid Madaxtooyada, Xafiiska Gudoonka iyo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ee waa Mooshin kayimid Soomaaliweyn”.

Afhayeenka Koonfur Galbeed Ilyaas Qalinle ayaa si adag uga jawaabay Aflagaadii Axmed Madoobe uu u geystay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Mr. Qalinle ayaa si cad u sheegay in Madaxweyne Xasan Garguurte uu ku fashilmay Hogaaminta Ummada.

Mar uu ka hadlayay Afhayeenka Baarlamaankii Boobland ee Burburay ayuu ku tilmaamay inuu yahay nin Gaajaysan oo danta umadiisa ku iibsaday Shilimaad yar.

2 COMMENTS

  1. Ilyaas waxaan kuleeya hay waligaa nooloow runtaana kahadashay waligaan kutaaknaaw intaad kadhimaneeyso geesi baatahay

  2. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Ilyaas,go’aan barlamaan waxba idin tarimaayo ee la imaada xoog iyo xiilo aad ka hor istaagtaan dhhulbalaarsiga iyo boobka ka socda koonfurta galbeed.

Comments are closed.