Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Max’ed Nuur Siidii ayaa qiray inay jiraan wararka sheegaya in Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya ay shalay isaga baxay deegaanka Toora-toorow oo ka tirsan Sh/hoose.
Gudoomiye gobolka ayaa ku micneeyay ka bixitaanka ciidamada Dowlada deegaankaasi inay u sabab yihiin Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwii horkacayay Ciidamadaasi.
Sidoo kale,gudoomiyaha gobolka Sh/hoose C/qaadir Max’ed Nuur Siidii ayaa been abuur ku tilmaamay in wararka qaar oo sheegaya in ka bixitaanka ciidamada deegaanka Toora-torow sabab u tahay mushaar la’aan soo wajahay Ciidamada iyo saraakiishooda.
Si kastaba arintu ha ahaatee kol dhow ayey aheyd kolkii alshabab lagala wareegey gacan ku heyn deegaanka tooratoorow kaasoo ay ku sugnaayeen mudo badan.
Ciidan deegaanka ah sameeysta kumanaan kun oo dhalinyaro ah ayaa joogto tababar ha loo sameeyo diyaar bey u yihiin iney dadkooda iyo dalkooda difaacdaan. Daneyste oo awilba u joogey siyaasad ha tago cidaan qaran sidey ku noqdaan manta iyo beri ma ahan. Koonfur Galbeed ayaa lagu xumeeynayaa.
Mudane gudomiye waa run inta aad sheegtey in lumiyaan ciidamada DFS iyo AMISOM dhulalkii ay ka xoreeyaan nabad diidka shabaab,sabab waxaa u ah cadaalad darida ka jirta qaabdhismeedka dfs gaar ahaan ciidamada loo direy shabeelaha hoose,adigoo og in ciidamada u dhashey G/sh/hoose lagu baakimey xaruunta gaashaan dhiga ka dib waxaad u dirtee ciidamo ka soo jeeda gobolada kale weliba adigoo og in ay isku heeb yihiin shabaabka ka dagaalama shabeelaha hoose. Talo soo jeedin:hadii aad dooneysid in laga adkaado shabaab meesha aad u dirtey Absuge waxaa kuu dhaantey in aad u dirto G/Arabey,siddoo kale meesha aad u ditey xasan cagaaran waxay ku habooneyd in aad u dirto G/saalax.jiida hore oo guul kaaga timaado isbedelkaas ayey ku xiran tahay.
Comments are closed.