Wareysi ay warbaahinta gudaha la yeelatey nabadoon Fanax oo ka tirsan nabadoonada besha biyamaal oo maalmihii lasoo dhaafey kulamada maamulka loogu sameynayo degmada marka la lahaa shriif xasan ayaa waxaa uu sheegey in guud ahaan madaxda dhaqanka beesha biyamaal iyo siyaasiyiintoodaba ay isku waafaqsan yihiin in maamulka degmada marka ay qeyb ka noqdaan qaar ka mid ah beelaha hawiye gaar ahaan beesha habar gidir iiyo abgaal.
Nabadoon Fanax ayaa waxaa uu intaasi raaciyey in kulamadii maalmahan dhacaayey oo
idil uu isaga shaqsiyan ka cadeeyey sida aanuu marnaba u qaadan karin in maamulka degmada marka lagu soo daro beelaha hawiye waxaana uu hoosta ka xariiqey in kolka laga reebo isaga intooda kale ay ku waafaqeen shariif xasan qorshihiisa ku aadan in maamulka degmada marka loo gacan geliyo beesha habar gidir.
Halkan hoose ka daawo wareysiga nabadoon Fanax
waa nasiibdaro horleh in muuriyaani habargeder marka waxlagasiiyo maamulkeeda taasi waa cadaalad daro iyo masuuliyad xumo
SHARIIF WUXUU NIN KA SOO JEEDO BEELO AAN WALAALO NAHAAY IYO DERISNIMO INTABA TAAGEERIDA AAN KU TAAGEERNEY KUMA QALDANEYN ILEEN WAXA AAN KU TAAGEERNEY MAAHIN SHAQSIYADA EE WAXAY AHEYD MID AAN KU SALEENAY DEEGAAN IYO QABIIL AHAAN, SIDAAN UGU LISNEY NOOGUMA HABEEN BALSE WAXAAN SHAKI KU JIRIN INUUSAN KU SAMEYN KARIN DEEGANADEENA WAXAAN RAALI KA AHEYN DADKA DEEGAANKA WAXAA KALOO SHAKI KU JIRIN NIN HAWIYE NAAREED INUUSAN NAGU DHEX NOOLAN DOONIN NAFTIISANA AYSAN SIIN DOONIN ILAA OO KU JOOGO WADO DAGAAL MAAHINE INAAN DILNO AMA INUU NADILO WAX KA DHAXEEYO MA JIRAAN, MAAMULNA WARKIISA HASHEEGIN, DEGAANKANA WUXUU NOQON DOONAA GOOB DAGAAL ILAA UU HABAR NAAREEDKA MEESHA KA BAXO, SHARIIFNA WAXAA LAGA RABAA CIDUU MADAX UNOQON LAHAA …!
Assalamu alaykum,
Nabadoon Fanax waa nin aan runta ka gamban run sheeg ah, runta ayuu taabtey sida asiga sheegey ayaa runta ah Allahu Akbar, Allahu Aknbar, Allahu Akbar.
Islaam nimada hala tixgeliyo, walaaltinimada hala tixgeliyo, banii aadam nimada hala tixgeliyo caqli lahaada ummada Somaliyeey.
Waxaan u baahan nahay haddaan nahay odayaasha gobolka Shabeelaha Hoose waan raacsan nahay, haddii nabad la rabo waa sida la sheegey haddii kale nabad yaan la sugin.
Hussein
Comments are closed.