Aqriso:- Maamulka Degmada Afgooye Oo Beelaha Hawiye Laga Siiyey 4 Xubnood Halka Dadkii Deegaanka Laha ay ka Heleen 2 Xubnood

10
169

deg AfgooyeShariif Xasan ayaa manta waxaa uu degmada afgooye kaga dhawaaqey maamul si aad ah uga fog xaqiiqda ka taagan deegaanka isagoo maamulkaasi kusoo darey kooxo badan oo aan u dhalay deegaanka.

Waxaan halkan hoose idinkugu soo gudbineynaa maamulka uu manta magacaabey shariif xasan iyo qabaailada ay kasoo jeedaan si aad idinkana wax uga ogaataan dhinaca uu ku wajahan yahay gobolka shabeelaha hoose,

Gudoomiyaha Degmada Afgooye C/qani Yuusuf Axmed/ Digil, Geledi

Gudoomiye Ku Xigeen Yuusuf Maxamed Moordow/ Wacdaan, Hawiye

Gudoomiye ku Xigeenka Maaliyada Cumar Maxamed Cusmaan (Maclow) Garre, Digil

Gudoomiye ku Xigeenka Arimaha Bulshada C/laahi Xasan Cabdi/ Hawiye, Murusade

Gudoomiye ku Xigeenka Siyaasada Degmada Afgooye Axmed Maxamuud Jeelle (Jeames) Wadalaan, Hawiye

Xoghayaha Dowlada hoose Ee Degmada Afgooye Cumar Maxamuud Muuse ( Cumar Mahadaay, Cumar Fareey) Abgaal, Hawiye

 

 

10 COMMENTS

  1. Waxan awalba way iska cadaayeen in sidaas uu sameyn doono taasi waxa dheer in shacabka degan shabeelada hoose iyagoo diidan xoog ku meelmariyey sharif xasan taasi ma nogoneyso wax suura geli kara waxay lamid tahay caydiid o baydhabo maamul u sameeyay kadibna isaga iyo maamulkiisaba ay meesha ka carareen ugu danbeyntii

  2. intaasi uu sameeyey oo dhan waa sax shariifka waayo dadkaan oo dhan waxay hoos tagayaan gelidi oo gudoomiye u ah daka dhulka xaqa u leh kuwasi mesha ay degaan waan la soconaa hadab kol hadii dharkeenyley ay tahay koofur galbeet abaagaal waan in aad ku soo darsataa iyo murasadaba wadlaana waaba ogtihiin degaanka afgooye in uu wax ka dego garena waad ogtihiin meesha uu ka dego afgooye wax ka jabsan uma jeedo dakaasi la magacaabey waa sax danteena hadii ay socoto la doonaayo hala qaato waxa uu madaxweynaha uu sameeyey

  3. Idho indhohoodi waa ari cad. Idinka indha iyo caqli toona ma lihidin, waxaa indhin caqli ah Haawye iyo Daarod. Marka waxaan idhin leeyahay aayer ilin tirta waa beertii aad abuurateen mireheedi weyaan.

  4. Ninkaan, isku sheegaa you in uu eng. Yahay waa qof u baahan in uu school aado waayo qof mutacalim ah sidaan u maba had like lahayn. Annagana dhulkeena library Yada aduunka ayey taariikh ahaan u taala a marka hawiye iyo daa rood back qoxooti ahaan ayey dhulkeena ku y imaadeen ama kuwii hore ee awooweyaasheen keenly ama kuwa hadda yimid ba ee naga daa ceyrtaada cunne caydaduu yaqaana. Annagana idinka an idinka heynaa Gaafoow Geledi Ceelqode iyo gaawyihii Xamar in
    loo guuro mooyee laGama geediyo.

  5. qofkii hurdo saciisa dibi aas dhalaa, marka reer shabeelada hoose dadka asalka ahoow jiifkiina dheereysta iska hurda

  6. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Cid kasta oo ka danqaneyso cadaalad la’aanta iyo dulmiga lagu haayo G/Sh/hoose haka qayb qaato”dhaw,dhiib,dheh”xaqiina wuu iman dulmiga wuu idin ka tegi doonaa hadalka badan joojiya.

  7. Taniwaa cadaalad daro lkn naxariista ale Malaga quursado maalin beey imaan doontaa cadaalada xaqdaradana meesha kaguuri doontaa

  8. waa mindi gashay reer Shabeelada Hoose meeshay dadka dhulka lahaa laga siiyay 2 xubnoot kuwan udhalana 5 qaateen wa nasiib daro taasna waxaa looga bixi karaa Dadka udhashay Shabeelada hoose oo runta isu sheega dhiigoodana uhura Gobolkooda si kale oo looga xoroobi kara majirto kooxda dhulboobka iyo Daba dhilif Shariif sakiin oo kale

    • Dadka reer afgooye waa in ee ogaadaan afgooye in eey tahay degmo calool ku jirta misana eey ku xoogeesteen dadkii dul saarka ahaay sidaas daraadeed madaxweeynaha sidii loo baahnaay ayuu suubiyay midda kalle galladi ma aha dad hubeesan marka ha ka war sugaan madaxweeyne shariif sh,xasan sh,aadan

Comments are closed.