Shirkii Maddaxda Africa oo Ka Furmey Magalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika

1
32

Shirka Midowga AfrikaShir-madaxeedkii 25-aad ee Ururka Midowga Afrika ayaa Maanta ka Furmay Magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika, iyadoo marka laga soo tago madaxda Afrika uu ka Qayb-galayo Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping.

Ajandayaasha Shirka AU ee Sannadkaan looga hadlayo ayaa Waxaa ka mid ah Hiigsiga Qaaradda ee sannadka 2063-ka, iyadoo sidoo kale looga hadli doono arrimo ay ka mid yihiin Awood-siinta Haweenka, Ammaanka Qaaradda iyo sidii ay dalalka Afrika u yeelan lahaayeen iskaashi buuxa.

Sidoo kale, Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Jacob Zuma oo isna Shirka ka Hadlay ayaa Madaxda Afrika ugu baaqay inay diirada saaraan sidii dhaqaalaha Afrika horay loogu riixi lahaa.

Hoggaamiyeyaasha Afirka ayaa la filayaa in shirkoodan ay kaga doodaan go’aanka kasoo baxay manta Maxkamadda Koonfur Afrika iyo dalabka Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC ay ku doonayso in loogu gacan-geliyo Al-bashiir.

1 COMMENT

  1. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Cadaalad darada ICC da waa in AU ka dagaalama!!!

Comments are closed.