Askar ka tirsan ciidamada dowlada ayaa maanta qarax lagula beegsadey gaari ay wateen oo marayey deegaanka Xaawo Cabdi oo Muqdisho dhinaca galbeed kaga beegan qiyaastii 16-km.
Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa miino wadada dhinaceeda lagu aasay sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Somalia oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta gudaha iyo kuwa dibadda.
Weerarkan ayaa Waxaa Mas’uuliyaddiisa durba Sheegatay Xarakada Al-shabaab; iyadoo aysan jirin weli cid ay hay’adaha Ammaanka Dowladdu u qabteen weerarka lagu dilay askarta ka tirsan ciidamada dowladda Somalia.
Qaraxan ayaa la sheegey in ay ku dhinteen tiro askar ah oo gaaraya 4 halka dhawacooduna lagu sheegey ilaa iyo 3 ma aha markii ugu horeysey oo ay alshabab qaraxyadan oo kale ka geysato horey ayey qaraxyo kuwan oo kale ah kaga geysatey deegaanka