Wasiirka Warfaafinta Somalia, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo Sharciga Saxaafadda ka hor akhriyey Baarlamaanka shalay ayaa Faahfaahin ka bixiyay qodobada uu Xambaarsan yahay Sharciga.
Maareeye ayaa sheegay in sharciga uu ka kooban yahay 31 qodob, isla markaasina uu soo jiitamayay muddo sagaal sano ah, isaguna ahaa Wasiirkii billaabay Qorista Sharciga markii uu Wasiirka Warfaafinta ahaa Sannadkii 2006-dii.
Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay in Warbaahinta dalka ka jira qaarkeed ay hay’ado iyo dalal shisheeye isticmaalaan, laakiinse uusan jirin sharci xakameynaya.
Dhanka kale, Maareeye ayaa intaas ku daray inay lagama maarmaan tahay in la helo Sharci sheegaya; Dhaqan iyo diin ahaanna waxaa ka reebban ama loo ogol-yahay Warbaahinta.