Ciidamada Dowlada iyo Alshabab oo Ku Dagaalamo Deegaano Ka Tirsan Degmada Doolow

0
58

DagaalCiidamo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia iyo Xoogagga Al-shabaab ayaa xalay ku dagaalamay deegaan lagu magacaabo Geed-weyne oo duleedka degmada Dooloow ee Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa qarxay markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay weerareen saldhigyo ay ciidamada dowladda Somalia ku leeyihiin deegaankaas; iyadoo dadka deegaanku ay sheegeen inuu dhacay iska-horimaad culus.

Wararka ayaa sheegaya in deegaankii lagu dagaalamay ay xiisado ka jirto, iyadoo ay ku sugan yihiin ciidammo fara badan oo kuwa dowladda ah sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka ku nool deegaannada ku dhow halkaas.

Al-shabaab ayaa ka hadashay dagaalka iyadoo sheegtay inay khasaare xooggan gaarsiiyeen ciidamadii dowladda ee ku sugnaa fariisimaha ay weerareen, iyadoo ay ka gaabsadeen saraakiisha dowladda ee ku sugan Doolow inay dagaalkan wax faahfaahin ah ka bixiyaan.