Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Federalka Oo Maanta Gaarey Magalada Cadado

1
51

jawariGuddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magalada Cadaado, si ay uga Qayb-galaan dhaarinta xildhibaannada maamulka loo dhisayo Gobollada Mudug iyo Galguduud.

Prof. Jawaari iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Cadaado kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan maamulka deegaankaas, xildhibaannada maamulka Galmudug iyo xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Somalia.

Maanta ayaa waxaa kaloo lagu wadaa in xildhibaannada maamulka Galguduud iyo Mudug ay yeeshaan kulankoodii ugu horreeyay oo ay ku dooranayaan guddoomiyaha KMG ah oo shirarka guddoomin doona inta laga dooranayo guddoonka golaha.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia ayaa hadal ka jeedin doona xafladda kaasoo uu kula dardaarmayo xildhibaanada Galmudug ee maanta la dhaarinayo.

1 COMMENT

  1. Waxan idinka codsaneynaa in aad shacabka somaliyed u soo Gudisaan inta tiro hildhibaan laga siiyeey qoomiyada Digil iyo Mirifle ee degan gobolada ka dhismaha dowlad goboleedka Gaalmudug. Maadama, la ogyahay in dad aad u faraban oo Ka tirsan beelaha Digil Mirifle ay ku noolyihiin deganadas kama qeebqaatan horumarka degaanka, xuquuqda degaanadas ay ku leeyihiin in ay Ka helaan.

Comments are closed.