Kenya oo dib u Fasaxdey Xawaaladihii Ay Xayiraada ku Heysey

0
48

xawaaladBangiga dhexe ee Kenya ayaa dib u fasaxay Shirikadaha Xawilaadaha ee ay Kenya horay ugu soo rogtay xayiraadda.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa Toddobaadkii hore sheegay inuu ku siiyay amar Bangiga dhexe ee waddanka Kenya inay dib u eegaan nidaamka ay xawaaladuhu ku shaqeeyaan, isagoo ballanqaaday inuu dib u fasaxayo 13-ka Xawaaladood.

Shirikadahan ayaa waxay Kenya xayiraad kusoo rogtay bishii afaraad ee sanadka 2015-ka, kaddib markii ay dalkaas ka dhaceen Weerarro is-xig-xiga oo khasaare nafeed geystay, kuwaasoo uu ka mid ahaa weerarkii Jaamacadda Gaarisa oo lagu dilay 148-qof oo u badan arday.

Madaxweynaha Somaila Xasan Sheekh ayaa soo dhoweeyay Tallaabadan, isagoo madaxweynaha Kenya, Kenyatta uga mahad celiyay go’aanka uu dib ugu fasaxay xawaalaha Soomaalida.