Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, sheegtey in ay gogol dhigtay Magaalada Dhuusamareeb, waxayna sheegtay in Maamul Goboleed ay ugu soo dhisayso Gobolada Mudug, Galgaduud iyo qayb ka mid ah Gobolka Hiiraan.
Ku Simaha Gudoomiyaha Guddiga Golaha Fulinta ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa sheegay inay dardar-gelinayan gogoshii uu horey ugu dhawaaqay Allaha u naxariistee Gudoomiyihii hore ee Golaha Fulinta Ahlu Sunna, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow.
Sheekh Maxamed Shaakir, ayaa sheegay gogoshan in Maamul Goboleed loogu soo dhisaayo bulshada degta deegaanada Galmudug, Ximan & Xeeb iyo dhulka ay gacanta ku hayso Ahlu Sunna Wal Jameeca.
Wuxuu carab dhabay qaybaha Ahlu Sunna ka joogto Gobolka Hiiraan in lagu soo biirinaayo Maamulka ay ku askumayaan Xarunta Gobolka Galgaduud ee Magaalada Dhuusamareeb.