Fadeexo Horleh:-Wasiirka Arimaha Gudaha ee Maamulka Shafiif oo Lagu Eedeeyey In Uu Qasnada Degmada Afgooye Kala Baxay Lacag Dhan 70.000 Dolarka Mareykanka ah

14
67

shariif xasanWarar lagu kalsoon yahay aynu ka helney degmada afgooye ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka shariif xasan uu qasnada degmada afgooye C/raxmaan Ibraahim Aadan “Sate” kala baxay lacag dhan $70,000.

23 bishii shanaad 2015 ilaa iyo maalintii la magacaabey gudoomiyaha degmada qasnada degmada waxaa soo gashey lacag dhan 600.000.000 oo shilin somali ah 14 bishii lexaad ilaa iyo 22 bishii lexaadna waxaa degmada qasnadeeda kusoo xarootey lacag dhan 1 Bilyan oo shiling somali ah, Taasoo marka labada lacag la isku daro ay noqoneyso 1.6 bilyan shilin somali taasoo u dhiganta 69,565.217 dollarka mareykan ka ah.

Maamulka cusub ee degmada intii uusan iman waxaa qasnada ku jirtey lacag dhan 600.000.000 oo shilin somali ah una dhiganta 26.086 dollarka mareykanka taasoo uu isla maalintiiba la wareegey.

Maamulka cusub kolkii ay degmada usoo magacaabeen ka dibna waxaa ay dul dhigeen shac oranaya wax alaale wixii daqli ah ee soo gala degmada afgooye waxaa toos u qaadaya wasarada arimaha gudaha ee maamulka shariif taasoo la sheegey in maalintii ay la wareegeen ilaa iyo maanta ay qasnada soo gashey 1 Bilyan oo shiling somali ah oo u dhiganta 43,478 ayagoo diidey in Lacagta ay wax ka maamulaan Maamulada Heer Degmo illaa Heer Gobal.

14 COMMENTS

  1. waa afgoyeka qaat baidoa Gay maxay dhaantaa Boobkii iyo Bililaqadii habargidir ay kuhaysay Degmada Afgoye Marka reer Afgoye hadaysan af qabin hasheegeen waa loo dadaynayaa ee hadhaafaan aamusnaantaan waxaa la marooyaa qarnigii 21 koowaad marka yaan lagu dulaysan adigoo ah xadaari.

  2. Wax walibo waqti sii….. waqti walibo wax sii… afgoye waxaay noqotay . Dhib malahan sacada waa gawaabsi yaan la is dhihin reer afgoye waa jiifan wax walibo lagu sameyo dhac hanti dil bareer shaar dawladed u gasho waxaa imanaya nasri oo meel walibi illaah ka keeni doonaa lacagtaas waxay noqon doontaa mid dagmada bilecdeeda lagu sameyn doono insha allaah qof walibo waxaa uu lee yahay afgoy daqliga qaxaas waa dhamanaa insha allaah

  3. isagaaba lahee haduu qaato yaa u diidaayo laakin wax uu qaatey ayaaba jirin adiga mucaarad ayaa tahay warkaada qof ku jiro malahan ee caafimaad alah ku siiyo umadana beenta ka daa iyo qaska aad wadid

  4. Mahamed bariire, ninka watow ilaahey xaqa haku tuso waxaa kaa muuqda nin jecleysi marka aad leedahay isagaa is kaleh ma waxaad ula jeedaa kuwii hore wey qaadan jireen kana isagaa xoreystey mise hadalkaad hadal kalaad ula jeedaa inta aadan weerarin qof aan kuu jawaabeyn bal anaga uun noo micnee maxaa ula jeedaa asagaa is kaleh wuu qaadan karaa.

    Webka daafeet haduu mucaarad yahay iyo hadii kalaba inta mar ee uu wax inooga sheegey maamulka shariif intaba sax ayey ahaayeen shariif maamulkiisa maalintii la sameeyey ilaa iyo hada bal adiga uun inoo sheeg waxa uu uma u qabtey oo aan aheyn bahdilaad daraad aa uGu dambeysey taliyaha ciidaka nabadsugida degmada afgooye la diley oo ay dileen kuwa uu shabeelaha hoose rabo inuu ka gado maamulkiisa oo ka hadlaayo weli ma maqashey.

    Niyahow waa bil ramadaan xaqana ilaahaa kugu jecel biniaadan waxba kugu tari maayo tuugonimada iyo dulmiga aad taageereyso dhinac uga leexo adigeysan kuu fiicneyn intaasna waa iga waano, Webka daafeed idinkana howshiina wata idinkoo xaq ka hadlaaya xumaantana ka fogaada wallow aanan idinku arag weli.

  5. hawiyaha waa dhici jireen sakiina hawiye oo yer waaye maxaa ka sugeeyeen awalba maamul xaraan ah dhaqankiisa waa sidan

  6. Sida nidaamku yahay canshuurtu waxay ku dhacaysaa khasnadda degmada waana dakhli aan la isticmaali karin,balse waxaa loo samaynayaa miisaaniyad lagu qeexayo kharashka loo baahan yahay.waxaa soo ogolaanaya wasaaradda maaliyadda,waxaana lagu isticmaalayaa warqadda lacag bixinta oo ay ku xiran yihiin tafaasiisha lacagta lagu bixiyey.wixii kale waa wax aan nidaamka loo marin.mahadsanidiin.

  7. waxaan layaanahay ninka sirteyda faafinooyo, ma wasiiradeydaa mise waa idkale, wahaan sameeyaba waad og tihiin, Lacag ayaan kubihinayaa sidaan WEB site kaan u hiri lahaa, hataa $100,000 hanoqoto, Maalin kasto wahaan sameeyo lee mahaa u sheeqtiin, Hawiye waa walaalaheena ogolaada ama diida

  8. Asc walalayal gacalka ha iska bobina ninka wasirka ah wa masuul masuulna inu qasnad intu u yimado lacag ma iska qadanayo meshu sidi hore ma aha oo kaabo moriyan lacagta iska qadan jirey waxa la dhisey dowlad kofur galbed oo lala xisabtami karo marka wasiirku koleyba arimaha amanka ayu uga shaqeynayaa wayo digil wa in la difaca o cidan lo dhisa marka wasirka haloo kaadiyo

  9. ninka labaxay madey waxaan kuu sheegayaa in aadan heli karin shariif oo kale sabtoo ah dadka aad sheegeyso weli lama gaarin in talada wax ay ku darsadaan inta tuug uu jiro shriif haloodaayo talada wuxuu doono ha cuno isgaa iska leh kama imaanin g/dhexe waa nin gobalka u dhashey cidna kama xigto ha iska dhiciyo tuugada inta uu ka sifeynaayo cidkale uma jeeda oo nidaamkaa is gedgediska ah ka bixi karo ae adigana hadadaad igadaa oo fikerkeyga ha igu amrin qor waxa aad qoreyso oo fekerkaaga ah lakiin ha idu amrin in aad itiraahdo ka har waa kuu roontahaye nin aad waabsankarto aniga ma ihi ma garatey hadad maskax aad ka jirantahayna is daaweey waxa aad qoreysana u fiirso hadaladaadii

  10. kkkkkkk Maxamed bariire hadalkada wuxuu u ekyahay nin weligiis la xooji jirey camal aa difaac ku jirtaa aniga fikirkada inan kuu diido xaq uma lihid laakiin sua,al ayaan ku weydiiyey waxaan ku iri ii sheeg waxa uu shariif sakiin umada u qabtey intaan uu meesha joogey.

    Marka aad i leedahaya caqli daradada waa kuu roontahay ani maa ku hortaagan adiga lee dhiga isku karinaayee hadadba wax iska celin karto ooba saas u xoogweyn tahay deegaankada kuwa dadka ku dilayo adigana shaashka kuu saarey iska celi.

  11. Awalba waa dulmanaa ee waxaan maciin biday walaalahay Bay iyo Bakool ayadoo lii leeyahay Kaalay Shabelle state noqo Banadir State noqo Habar kuulay noqo waxaan ka orday boobkii iyo bililiqadii ree Dhul boob waxaan hada arkooyaa reer lacag boob oo Shariif sakiin kaw kayahay ee kadaroo dibi dhal arintii noqotay dadka qaar waxay leeyihiin waxbaa isbadi doono ee iska sug goormay wax isbadalayaan hadad mooryaantii maamul sharciyaysan iiga dhigto aad shar cusub gacantaada ugu galiso dhaqaalahiina aad usii kordhiso maxay abuuri kartaa marka waxa nalaguna seexinaayo mahan waxaan aqbali doono mana aqbalayno ee walaalaha aan wax kudarsanay haday nala danqan waayaan oo ka hadli waayaan waxa shariif sakiin uu samaynaayo mau dulqaadan doono waana katashan doonaa meesha aayaheeno kudanbayn doono.

  12. @maamuus adeer soo xoree Ceel Berde, Yeed, Caato iyo kuwuu Shabaab kaa heysto, Wallaahi maanta Miriflaa xoreys u baahan, illeen ceeb looma dhinto…

  13. @mohamed kan la baxay:
    Adeer Shariif Sakiin uma dhalan Shabeelada Hoose, Kamana dhigi kartid Rèèr Sh/hoose, wuxuu Noola simanyahay Yuusuf Indhacade… Taariikhdaana xusi doonta…

Comments are closed.