Afhayeenka Al-shabaab Sh. Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali Dheere) ayaa ku eedeeyay dowladda isu-tagga Imaaraadka Carabta inay kusoo biireen duulaanka lagu soo qaaday Somalia, isagoo xusay inay Muqdisho ka fulinayaan waxyaabo lid ku ah Shareecada Islaamka.
Sh. Cali Dheere oo ka hadlay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu qaaday Kolonyo ay la socdeen wafdi ka socda Imaaradka Carabta ayuu sheegay in Imaaraadka ay garab iyo hiil u yihiin dowladda federaalka Somalia iyo AMISOM.
Sidoo kale, Sheekh Cali Dheere intaas ku daray in weerarkaas uu ahaa kii ugu horreeyay oo ay la beegsadaan Imaaraadka Carabta, isla markaana sababtii ay u weerareen ay tahay inay yihiin cadaw dagaal ku ah muslimiinta Somalia ku nool.
“Weerarkan wuxuu ahaa midkii ugu horreeyay oo aan la beegsanno wafdi Imaaraadka ka socda, sababtuna waa inay ku biireen cadowga aan dagaalka kula jirno, iyagoo la safan gaallada, kuna bixiya dhaqaale iyo qalab.
Isagoo sii hadlayay ayuu intaas ku daray. “Waxay Soomaaliya ka fuliyaan howlo ay ku dhisayaan saldhigyo ciidan, ayna qalab iyo gaadiid ku siinayaan DFS iyo sidoo kale ciidamada AMISOM, si ay u sii huriyaan colaadda Soomaaliya.”