War Deg Deg Ah Beelaha Awdigil oo Maanta Kulan alababada u Xiran Yihiin Ku Leh Magalada Muqdisho

8
53

breaking nWar DegDeg ah: Beesha Aw-Digil ayaa maanta kulan albabada u xiranyihiin ku yeshey magalada muqdisho kulankaas oo ay kasoo qeyb galeen Xildhibaano, Wasiiro, Odayaasha Dhaqanka, Aqoonyahanka, Maamulada Degmooyinka qaarkood ee gobolka shabeelaha Sh/hoose.

Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey qaar ka mid ah odey dhaqameedyada beelaha awdigil kadib kolkii eedeemo fara badan kala kulmeen shacabka awdigil

Kulankan ayaa lagu lafa guri doonaa sidii looga gaashaaman lahaa ama looga hortegi lahaa waxa uu shariif xasan ka damacsan yahay gobolka shabeelaha hoose maadaama tusaalihii ugu horeeyey ay arkeen.

Qaar badan oo ka tirsan odayaashii abaabuley kulanka ayaa waxaa ay ahaayeen odayaal xal u arkey haasaawihii shariif oo ahaa hadaan seddex gobol la dhisin shabeelaha hoose ayaa hawiye qaadan doonaa, Ayagoo kaas ka duulaya ayey shariifka garab istaageen wexeyna kala kulmeen caqabad tii hore ka daran.

Si kastaba arintu ha ahaatee kulamadan ay qabsadaan beelaha awdigil ayaa intiisa badan ku dhamaada fashil taasoo ay ugu wacan tahay qaar ka tirsan masuuliyiinta oo gacan saar la leh beelaha raba iney boobaan deegaanka

Kulanka wixii kasoo baxa dib ayaanidinkaga soo sheegi doonaa

8 COMMENTS

  1. Asc walaalayaal daan Buube iyo Warsame iska dhaafin kaba Qaadnimada Shariif Sakiin wax toosaayo majirto Labadaan qof waxay hoos udhigayaan Sharafta Digil iyo Shabeelada Hoose maxaa yeelay ayagoo Jagada ay haayaan ilaalalsanaaya ayay waxay uburburinayaan Danaha Guud.

    • Xalka waxaa ka horeeya Xaqa. Waxaa nasiib darro in jiin-webi laga dhiso maamul goboleed, Jareer-weynane aan lagu darin??? Ka hari weysee waa ku haysataa. Dhoobooy waa dhul Jareer, Laba webi dhexdoodana ayagaa loogu imaaday. Haddiise ay tahay anagaa awood leh, ogaada dadka hogaaminaaya Digil, oo ay ugu horeeyaan Warsame iyo Buube, inay jiri doonto sidii Eebe Quraanka Kariimka ku sheegay “Yoowma laa yanfacu, Maalun walaa banuunun”. Qayaamo waxaa jri doonta xisaab. Warsame, Jareer riixe??? Buube, Jareer diide??? Tan waxay ula mid tahay tii Abgaal yiri “Timir siib ee tiin talaal, talo Abgaal u taal waaye”. Maanta labadaan shaqsi, oo suldaan sheeganaaya waxay isku raaceen, intii Jareer wax la siin lahaaye, Soomalida kale hala siiyo. Bal ka waran, Majeerteen intuu ka degaa saddexdaan gobol??? Waa sugaynaa.
      Ogaada, ninkoo xaqiis ninkoo kalaa gudaaya. Ciidamada Abgaal iyo Habargidir ee aad ka cabaadeeysaan, waxaa ka daran ninka Majeerteen ee aad kusoo darteen maamulka saddexda gobol. Ciidamadaan waxay meesha u joogaan wax kale ma’ahan, laakii waa mujfiso Eebe kusoo saliday dadka Digil iyo Biimaal sheeganaaya ee degan Shabellaha hoose, oo mar walba xaqira jiritaanka dadka Jareerta ee ku nool gobolka Shabeellaha joose. Mar kale “KA HARI WEEYSEE, WAA KU HAAYSATAA”
      XAAJI BUURFUULE

  2. ramadaan kariim dhamaan aqyaarta sharafta lahow waxaa la yaab leh odayaal meey yiraahdeen reer aw digil goormaa odayaal daacad ah ama mas uul ama siyaasi ugu dambeesay hadeer waxaan filaayaa odayaal matala shacabkoodii ineysan jirin ee waxa jira ay yihiin odayaal tuuga ah aan kala jecleyn dad iyo dhul oo kii wax u taaga hor ka raacaaya inee meesha joogaan hada waxa soo haray kaliya shacab aan hadleyn meesha waxa la doonaayaa shacabka iney iska badalaan tuugada sheeganeesa iney odayaal yihiin oo koofidaha beenta hugan

  3. Asc waxlagu farxo ilaah hakasoo saaro shirkooda odalaal garta dantooda ilaah hakadhigo iyo danta shacab kooda iyo Santa gobolkooda odaygii dhib ka dhax wadana ilaah haka qabto

  4. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    U diirnaxa Dalka iyo Dadka,goor aan fogeyn xaqa ayey tegi doontaa!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

  5. Asxaabey digil oo dhan garre aa dad ah isagana waa reer baadiye odey iyo shariif iyo wax kale intaa leedihiin meel magaareesiin ciidan hala dhiso sharaf awood iyo karaama hadaa rabtaan wax kale hasku daalinina Digil inuu sii jiro dhulkiisana maamulo Waxey uga xirantahay 5000 askari Biimaal waad aragtaan xurnimadooda wey dhowdahay

  6. Shariif sakiin oo Bilaabay inuu isku diro Beelaha Waa wayn ee Shanta Caleemoot Asagoo Adeegsanaya Wasiir isku sheega aan la xalaalayn ee Macalin Jiis oo wata dhalinyaro Caooshoot ushaqaystayaal ah oo raba inay abuuraan jahwareer taasna waan kagaashaamanahay waxaa bixi doona Jiiska iyo xulufadiisa o raaci Doona Kuwii hore oo kale.

  7. Wallee odayaal ayku jiraan Labada reer Fircoon ee Buuwe Yahuud iyo Warsame Faqash ayaanba meel tegin… Allow kuwaas iyo Fircoon Sakiin Umadda kaqabo oo kuwo dhaama nasii “Aamiin”

Comments are closed.