Kulankii ay yeesheen Axmed Madoobe iyo Gaas kadib ayaa Baarlamaanka Puntland maanta waxaa uu soo saarey qodob dhowr ah oo kaga soo horjeedaa xukuumada federalka somaliya iyo maamulka cusub ee gobolada dhexe looga dhawaacay.
Go’aanada ahaa ayaa waxaa saxaafadda u akhriyey gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland:
1– In puntland aysan aqoonsanayn, sharcina ahayn gudiyada xuduudaha, doorashooyinka iyo dib u eegista dastuurka maadaama aan lagala tashanin aysana ka howgeli karin deegaanada Puntland.
2- In xeerarka baarlamaanka fedaraalka ansixiyay oo aan lagala tashanin Puntland ayna ahayd in lagala tashado inaysan sharci ahayn.
3- In Puntland ay aqoonsantahay oo kaliya dastuurkii lixda saxiix lahaa wixii badal ah oo lagu sameeyayna aysan sharci ahayn.
4- in Puntland aysan aqoonsanayn dhismaha maamul goboleed aan waafaqsanayn dastuurka fadaraalka qodobkiisa 50.6 oo ah laba gobol iyo wixii ka badan uusan waxba kajirin Puntland-na aysan aqoonsanayn.
5- Baarlamaanka Puntland wuxuu kalfadhiga biska October dib u eegis ku sameyn doonaa in dowlada dhexe qodobadan wax ka badashay oo dariiqii saxda ahaa ku soo celisay,markaas oo uu go’aan ka gaadhi doono wadashaqaynta dowlada federaalka.