Diyaarado laga leeyahay Dalka Kenya oo Xaley Dad Rayid Ah ku Laayey Tuulada Laan Qurac ee Degmada Balad Xaawo

0
41

HelokobtarDiyaaradaha dagaalka dalka kenya ayaa habeenkii xaley waxaa ay duqeymo ka geysteen degmada Baladx-xaawo oo ka tirsan gobolka gedo.

Weerarkan ayaa la sheegayaa in ay geysteen qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawan inta la ogyahay ilaa iyo hada waxaa ku dhintey 11 waxaana ku dhaawacmey in ka badan 18 ruux.

Diyaaradahan ayaa la shaeegayaa in ay duqeeyeen dad ku noolaa deegaanka Laan Qurac ee ka tirsan degmada balad xaawo dhamaantoodna waxaa ay ahaayeen dad reer guuraa ah oo xoolo dhaqato u badan.

Nabaddoon Idiris Aadan Nuur oo ka tirsan deegaanka oola hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Kenya ay laayeen dadkii reer miyiga ahaa oo ku noolaa deegaannada ay diyaaradaha Kenya duqeeyeen.