Kulankii 3 Geesoodka ahaa ee Ka socdey Magalada Garoowe oo Guldaro Ku Dhamaadey

0
38

Waxaa fashil kusoo dhamaaday shirkii 3 geesoodka ahaa ee magaalada Garowe ugu socday Ra’iisul wasaaraha Dowladda dhexe ee Soomaaliya, Cumar C/rashiid iyo madaxda maamulada Puntland iyo raskambooni, iyadoo aan wax is afgarad ah laga gaarin qodobadii laga wada dooday.

Qodobada la isku mari waayay ee burburka shirkan dhaliyay ayaa ka yimid wafdiga Ra’iisul waasraha oo soo bandhigay in maamulka Puntland aqoonsato maamulka Gamudug oo ka koobnaan doona hal gobol iyo bar halka ay wax ka badali doonaan dastuurka oo sheegaya in xuduuda maamulka Galmudug ku eg yahay dhinaca waqooyi ee gobolka Nugaal ee Puntland.

Maamulka Puntland ayaa ka biyo diiday qodobadaasi, iyagoo sheegay ineysan sharciga waafaqsaneyn in hal gobol iyo bar loo aqoonsado maamul goboleed.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa isku dayey in maamulada Puntland iyo Juballand ku qanciyo in shir la isugu yimaado magaalada Muqdisho si loo falanqeeyo qodobada xasaasiga ah ee la xariira Dastuurka KMG iyo waliba Hiigsiga 2016 iyo doorashooyinka dhici doona