Ahlusuna iyo Ciidamada Dowlada oo Maanta Ku dagaalamey Gobolka Galgaduud

1
69

Dagaal khasaare nafeed dhaliyay ayaa maanta ku dhex-maray deegaan ka tirsan Gobolka Galguduud ee bartamaha Somalia Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xoogag ka tirsan Culummaa’uddiinka Ahlusunna Waljamaaca.

Wararka laga helayo Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in dagaalku uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Laandheer, inkastoo haatan uu dagaalku joogsaday, xaaladduna ay degen tahay xilligan.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in Dagaalku uu Qarxay markii Ciidammo uu la socday Taliyaha Xerada 21-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka, Sulub Axmed Diiriye ay Weerareen xoogag ka tirsan Ururka Ahlusunna.

Ciidamadii Dowladda Somalia ee uu watay Taliye Sulub ayaa la sheegay inay ka gudbeen deegaankii lagu dagaalamay, iyagoo kusii jeeday degmada Cadaado oo ay ku sugan yihiin mas’uuliyiintii dowladda ee Gobolka Galguduud.

1 COMMENT

  1. hhhhhhhhhh somali ilaa intee ayay dagaal wadi kartaa ma 50 sano mise 100 sano qabiil goorte ayuu dhamaani ma 2016 mise 2080 mise qiyamaha

Comments are closed.